Sida ay hadda baahisey wakaaladda wararka ee Reuters; Iiraan ayaa fartay Xuutiyiinta Yemen in ay isu diyaariyaan in ay xidhaan marin biyoodka Bab el-Mandeb oo ah dhuunta Afrika, haddii Mareykanku uu weeraro kaabayaasha tamarta Iiraan.
Xuutiyiinta ayaana gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku soo diyaariyey meel u dhow marin biyoodka istaraatiijiga ah, iyaga oo sugaya amar-fulineed.
Tallaabadan ayaa si toos ah u saamaynaysa Soomaalida & badi dalalka Afrika oo marinkani ku xidho caalamka, iyada oo muddooyinkanna aan la adeegsan marinka Hormuz.
