Iran Oo Sheegtay in Trump uu ka Been Sheegay Qodobada heshiiska.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dawlada Iran ayaa sheegtay in Trump uu ka been sheegay qodobada heshiiska.Sida ay baahisay Wakaaladda wararka Iiraan ee Fars oo xiriir la leh ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan

Trump wuxuu sheegay in Iiraan ay aqbashay, in marinka Hormuz si xor ah loo furo iyo in la burburiyo walxaha nukliyeerka Iiraan.

Laakiin Fars waxay sheegtay in labadaas arrimood aysan ku jirin qoraalka dhabta ah ee heshiiska.

Iiraan waxay sidoo kale sheegtay in Mareykanka looga baahan yahay inuu markiiba sii daayo $12 bilyan oo hanti ay leedahay Iiraan oo horey loo xayiray inta aan heshiiska la saxiixin.

Waxaa kale oo warbixintu sheegtay in heshiiska lagu xiray xabbad-joojin buuxda oo ka dhacda Lubnaan,taasoo lagu fulinayo shuruudaha Xisbullah, halka warbixintu xaqiijisay in heshiiska uu weli sugayo go’aanka kama dambaysta ah ee Iiraan.