Madaxweyne Axmed Madoobe oo Weerar Afkaa ku Qaaday Xasan Sheekh.

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa khudbad uu maanta ka jeediyay magaalada Kismaayo kadib salaaddii Ciidda si adag ugu dhaliilay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dowladda Federaalka.

Axmed Madoobe ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu ku fashilmay hoggaaminta dalka iyo ilaalinta wada-shaqeynta siyaasadeed, isaga oo sheegay in dowladda dhexe ay lumisay kalsoonidii siyaasadeed ee lagu mideyn jiray saamileyda kala duwan ee dalka. Wuxuu xusay in maanta aysan jirin dowlad ay dowlad-goboleedyada iyo dhinacyada siyaasadda si buuxda ula shaqeyn karaan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in nidaamka hadda jira uu ka leexday wadatashigii iyo is-afgaradkii hore loogu maamuli jiray arrimaha masiiriga ah ee Soomaaliya, taas oo uu ku tilmaamay sababta sii hurinaysa kala fogaanshaha siyaasadeed.

Dhanka doorashooyinka, Axmed Madoobe ayaa si weyn u dhaliilay hannaanka ay Dowladda Federaalka waddo, isaga oo qorshaha doorashada qof iyo cod ku tilmaamay mid aan weli diyaar u ahayn hirgelin dhab ah. Wuxuu sheegay in waxa socda ay yihiin “doorashooyin dabran” oo horay loo sii qorsheeyo cidda qabanaysa xilalka dowladda.

Khudbaddiisa ayuu sidoo kale kaga hadlay xaaladda magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in shacabka caasimadda ay wajahayaan duruufo adag, islamarkaana ay jiraan dad badan oo laga barakiciyay magaalada. Wuxuu sheegay inuu la qaybsanayo cabashada iyo dhibaatada ay dareemayaan shacabka Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale eedeyn culus u jeediyay kooxo uu ku tilmaamay “dhul-boobayaal”, isaga oo sheegay inay jiraan dad sharciyeynaya dhul si sharci-darro ah lagu qaatay. Wuxuu ka digay in arrimahaasi ay saameyn ku yeeshaan xasilloonida bulshada iyo wada noolaanshaha shacabka.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jubbaland ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu dib u mideeyo dhinacyada siyaasadda dalka, islamarkaana uu ka tanaasulo khilaafaadka sii kala fogeynaya saamileyda siyaasadeed. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay u baahan tahay dib-u-heshiisiin dhab ah iyo in talada dalka dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed.

Hadalkan kasoo yeeray Axmed Madoobe ayaa imanaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka, qaar kamid ah dowlad-goboleedyada iyo mucaaradka, kuwaas oo isku haya arrimaha doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo hannaanka siyaasadeed ee dalka.