Dawladda Sucuudiga Xabsiga ku Gurtay Dad loo soo Tahriibiyay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dawladda Sucuudiga ayaa gacanta ku dhigtay sideed qof oo doonayey inay si tahriib ah xajka ku soo geliyaan dad badan oo aan sharci haysan.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sucuudiga, dadka la qabtay ayaa soo tahriibiyey 18 qof oo si dhuumasho ah xajka loo gaynayey, waxayna dawladdu dadkaasi tahriibinta ka shaqaynayey lagu xukumay ganaax dhan 100 kun oo riyaalka Sucuudiga ah,una dhigma qiyaas ahaan $27 kun oo doollar midkiiba, halka sidoo kale ganaaxyo culus la dul dhigtay ciddii u safarkaasi tahriibka fududaysay.

Waxa kaloo ay dawladda Sucuudigu qabatay 11 qof oo kale oo gudaha Sucuudiga degan oo ka soo kala jeeda dalal kala duwan, kuwaasi oo doonayey inay sifo aan sharci ahayn xajka u soo gutaan ogolaansho la’aan.

Dadkan xajkan sifaha sharci-darada ah ku soo galayey ee la xidhay ayaa marka ay xukunkooda dhammaystaan waxa laga musfaarin doonaan Sucuudiga, iyadoo laga mabnuucayo muddo 10 sanno ah inay dib ugu soo laabtaan dalkaasi Sucuudiga.