Trump ayaa ku eedeeyay Iran inay rasaas ku furtay dalal aan wax lug ah ku lahayn marinka Hormuz, isagoo xusay in ay ku jirto markab xamuul oo laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed.
“Waxaa laga yaabaa in ay tahay waqtigii Kuuriyada Koonfureed ay imaan lahayd oo ay ku biiri lahayd howlgalka!” ayuu Trump ku qoray baraha bulshada.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Mareykanku soo riday toddobo doonyood oo yar oo iran leedahay, inkastoo taliyaha US Central Command, Brad Cooper, uu sheegay in ciidamada Mareykanku ay dejiyeen lix doomood.
Trump ayaa intaa ku daray in, marka laga reebo markabka Kuuriyada Koonfureed, aysan jirin wax khasaare ah oo ilaa hadda ka dhacay maraakiibta maraysa marinka Hormuz.
