Sacuudiga ayaa maanta ku celiyay xiriir diblomaasiyadeed inay la yeelan karaan Israa’iil , keliya marka la xaqiijiyo dhismaha dawladda Falastiin oo madax bannaan, xilli Trump uu ku cadaadinayo dalalka Carabta oo Sacuudiga ku jiro inay xiriir diblomaasiyadeed la yeeshaan Israa’iil, taasoo uu ku xirayo heshiiska lagu joojinayo dagaalka Iiraan, sida ay waxyar ka hor werisay CNN.
Tani waxa ay imanaysaa ka dib dalabkii Trump ee dalalka Carabta oo ahaa in ay ka dib dagaalka Iiraan ay galaan Heshiiska Ibraahimiyada oo cadiyeynaya xidhiidhka Israa|l.
