Iyadoo weli mugdi uu hareeyay suurtagalnimada wadahadallo ka qabsooma Pakistan, afhayeenka dowladda Iiraan, Fatemeh Mohajerani, ayaa Talaadadii sheegtay in Tehran ay weli u furan tahay waddada diblomaasiyadda ee la xiriirta Mareykanka.
Hadallo ay baahisay wakaaladda wararka ee ISNA, Mohajerani waxay ku xustay in haddii wadahadalladu ku salaysnaadaan xushmad, ixtiraam, iyo aqoonsi labada dhinac ah, ay Iiraan marar badan caddeysay inay diyaar u tahay ka-qaybgal firfircoon oo mas’uuliyad leh.
Si kastaba, ilaa iyo hadda, mas’uuliyiinta Iiraan si rasmi ah uma xaqiijin in wafdi ka socda Tehran uu ka qeyb geli doono wareegga cusub ee wadahadallada taasoo sii xoojinaysa hubanti la’aanta hareysay dadaallada diblomaasiyadeed.
Dhinaca kale In ka badan 25 markab oo sida shidaal iyo gaas laga keenay dhinaca Iiraan, ayaa la sheegay inay xoog ku dhaafeen ciidanka badda Markeykanka ee xannibaadda ku soo rogay marinka Hormuz, sida uu qoray wargeyska The Wall Street Journal.
“Balse waxaa la yaab ah sida dal muddo dheer cunaqabatayn adag saarneyd, xannibaad dhanka badda ah lagu soo rogay, iyo hanjabaado joogto ah, ay ugu suurtagashay inuu dhaafiyo 25 markab oo xambaarsan shidaal loo ganacsi geynayo dalal kale, isagoo si fudud uga gudbay ciidanka badda Maraykanka.”
Safiirka Iiraan u fadhiya dalka Pakistan Reza Amiri Moqadam ayaa sheegay in Iiraan aysan wadahadal geli doonin iyadoo lagu hayo hanjabaad ama cadaadis.
Wuxuu sheegay in ay tahay xaqiiqo si guud loo aqoonsan yahay in dal leh ilbaxnimo qadiimi ah uusan gorgortan ku geli karin xaalad hanjabaad ama cadaadis ah.
Wuxuu sidoo kale xusay in tani ay tahay mabda’ adag oo Islaami oo diin ku saleysan, isaga oo intaas ku daray inuu rajeynayo in Maraykanku fahmo arrintaas.
