Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada JSL ku qaabilay wefti uu hoggaaminayo Ku-xigeenka Safiirka Maraykanka ahna ku-simaha, Mudane Justin Davis iyo wefti uu hoggaaminayo, kuwaasi oo booqasho rasmi ah ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynaha ayaa ugu horrayn weftiga uga mahad naqay booqashada iyo xiisaha sii kordhaya ee ay Dawladda Maraykanku u muujisay Somaliland.
Kulanka waxa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Maraykanka, gaar ahaan xagga arrimaha amniga gobolka, amniga marin-biyoodka Badda Cas, xog-isdhaafiga,
kobcinta fursadaha maalgashi, horumarinta dhaqaalaha, dimuqraadiyadda iyo adkaynta danaha istaraatiijiga ah ee ay wadaagaan labada dhinac.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu Dawladda Maraykanka uga mahad naqay Hindiseyaasha Sharci iyo dhaq-dhaqaaqyada Siyaasiga ah ee ka dhex socda Goleyaasha Sharci-dejinta Maraykanka, kuwaasi oo si toos ah u khuseeya arrimaha Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu Ku-xigeenka Safiirka Maraykanka u xaqiijiyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal nabad ah, dimuqraadi ah, xasilloon oo ah saaxiib ay Dawladda Maraykanku isku hallayn karto.
Isaguna dhankiisa, Ku-xigeenka Safiirka Dawladda Maraykanka ayaa Madaxweynaha iyo Somaliland ku bogaadiyey nabadda, xasilloonida iyo hannaanka dimuqraadiga ah ee ka hana qaaday Somaliland. Waxa uu xaqiijiyey in Dawladda Maraykanku ay diyaar u tahay xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, difaaca, amniga badda, xog-isdhaafsiga, maalgashiga, ganacsiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, macdanta iyo tamarta.
Sidoo kale, Danjire Justin Davis waxa uu carrabka ku adkeeyey in aan la iska indho-tiri karin xaqiiqada dhabta ah, horumarka iyo doorka istaraatiijiga ah ee ay Somaliland ku leedahay gobolka Geeska Afrika.
Kulankan ayaa waxa uu ka tarjumayaa xidhiidhka sii adkaanaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka iyo dedaallada ay Somaliland ku horumarinayso iskaashi diblomaasiyadeed, mid amni iyo dhaqaale oo ay la yeelato Maraykanka kaasi oo ku dhisan ixtiraam, dano-wadaag iyo is-faham dhinacyo badan leh.
ALLAA MAHAD LEH.
