Lubnaan iyo Israa’iil ayaa Salaasadii magaalada Rome ku yeeshay wareeg cusub oo wadahadallo ah oo uu dhexdhexaadinayo Maraykanka, iyadoo Lubnaan ay doonayso in ciidammada Israa’iil si tartiib tartiib ah uga baxaan koonfurta dalka.
Kolonyooyin siday wafdiyada labada dal ayaa saaka gaadhay safaaradda Maraykanka ee caasimadda Talyaaniga, halkaas oo wadahadalladu ay qorshaysan yihiin inay sii socdaan ilaa Khamiista.
“Maraykanku wuxuu weli ka go’an yahay in uu si buuxda u taageero labada dawladood iyagoo raacaya hannaan horseedaya amni waara oo labada dal ah, in meesha laga saaro khataraha amni ee Israa’iil, isla markaana dib loo soo celiya awoodda dawladda Lubnaan ee dhammaan gobollada koonfureed,” ayuu afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Tommy Pigott ku qoray barta X.
Intii lagu jiray wadahadalladii Washington bishii Juun, Israa’iil iyo Lubnaan waxay ku heshiiyeen qaab-dhismeed heshiis oo ay ku jiri doonaan hub ka dhigista Xisbullah, bixitaanka tartiib tartiibka ah ee ciidamada Israa’iil ee koonfurta Lubnaan, iyo in ciidamada Lubnaan la geeyo gobolkaas, iyadoo hannaankaasi uu ka bilaaban doono deegaanno tijaabo ah oo loo yaqaan “pilot zones.”
