Puntland Oo Dhaliishay Dadka Barxada Garaowe Ugu Dabaal-degayay Xuska Somalialnd

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cali Yuusuf Cali (Cali Hosh) ayaa si kulul u dhaliilay wafdi dhaqameed ka socday Puntland oo ka qeyb galay munaasabaddii 18-ka May ee ka dhacday Hargeysa, isaga oo ku tilmaamay tallaabo siyaasad ahaan iyo taariikh ahaanba khaldan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay ayaan darro tahay ka qeyb-gelidda madal lagu xusayo waxa uu ku tilmaamay kala goynta dalka, gaar ahaan marka ay arrintaasi ku lug leedahay sida uu sheegay wiilka uu dhalay halgamaagii caanka ahaa ee Xaaji Muuse Boqor, oo kamid ahaa aas-aasayaashii ururkii SYL isla markaana door muuqda kasoo qaatay midnimada Soomaaliya.

“Waxay ka hor imaaneysaa sooyaalkii halgamaa Xaaji Muuse Boqor oo ka tirsanaa SYL, kana shaqeyn jirey midnimada iyo wadajirka Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Sidoo kale, wasiir Cali Xoosh ayaa sheegay in aysan sax ahayn in la qaato talo siyaasadeed uu sheegay inay ka timid siyaasi ku howlan dhaawicidda midnimada dalka, isagoo tilmaamay in taladaasi ay horseeday ka qeybgal uu ku sheegay mid ka hor imaanaysa dhaxalka taariikheed ee qoyskiisa.

Wuxuu intaa ku daray in aan guul siyaasadeed lagu gaari karin buunbuuninta kala qeybsanaanta Soomaaliya, islamarkaana aan cod siyaasadeed looga kasban karin shacabka Waqooyi Galbeed iyadoo la wiiqayo midnimada dalka.