Kulan Lagu Xalinayay Khilaafka Xiray Dekada Boosaaso Oo Natiijo La’aan ku Dhamaaday

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Waxaa maanta magaalada Boosaaso, gaar ahaan xarunta gobolka kulan ku yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland iyo guddi ay iska soo xuleen ganacsatada wax kala soo dega dekedda Boosaaso.

Kulanka oo looga hadlay xirnaanshaha dekedda Boosaaso iyo canshuuraha cusub ee ay ka cabanayaan ganacsatada lagu soo rogay ayaa ku soo dhammaaday natiijo la’aan iyo isfahan waa.

Xubnaha dowladda ayaa isku dayay in ay ganacsatada ku qanciyaan khidmadaha cusub ee dekedda Boosaaso lagu soo kordhiyay, balse ganacsatada ayaa arrintaasi ka biyo diiday, iyaga oo sheegay in ay ku tahay culeys weyn oo aysan qaadi karin.

Labada dhinac ayaa ku ballanmay kulan kale oo aan la cayimin, iyada oo dekedda Boosaaso xiran tahay labo iyo tobaan berri, halka ganacsiga magaalada xiran yahay maalintii labaad oo xiriir ah.

Shacabka ku nool deegaannada Puntland ayay saameyn ku yeelatay xirnaanshaha dekedda iyo ganacsiga magaalada Boosaaso, iyada oo ay kor u kacday maciishadda daruuriga ah.