Wararka naga soo gaadhaya deegaanka Ilcarmo ee degmada Saylac ayaa sheegaya in ciidamo Somaliland ah ay weerar ku soo qaadeen dadka deegaanka.
Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, ciidamada ayaa la wareegay ceelka biyaha ay ka cabbaan bulshada deegaanka. Xilli lagu jiro xagaaga oo dhulku aad u kulul yahay, ayaa la sheegay in ciidamadu ilaa hadda bulshada ka horjoogaan isticmaalka ceelasha biyaha.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in deegaankaasi Il-carmo uu maanta ka dhacay iska horimaad kooban oo dhexmaray ciidanka Somaliland iyo dadka deegaanka, iyadoo xaaladdu ay aad u kacsan tahay, waxaana xusid mudan in deegaankan uu shalay ka dacay dagaal kadib markii jabhada Beesha Ciise kusoo duushay deegaankaasi.
Bulshada deegaanka ayaa la sheegay inay isku diyaarinayaan sidii ay naftooda iyo deegaanka uga difaacan lahaayeen xaaladda soo wajahday.
