Ibrahim Traoré Oo Amar Culus Dul-dhigtay Shirkadaha Dahabka ka Qoda Burkina Faso

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Sida ay ku warrantay Al Jazeera dawladda Burkina Faso ayaa amar culus dul dhigtay shirkad laga leeyahay dalka Australia taas oo ruqsad u haysatay qodista macdanta dlakaas.

Shirkaddan oo markii hore lahayd 85% dahabka soo baxa halka dawladduna ka lahayd 15% ayaa hadda laga doonayaa in ay Burkina Faso siiso 40% iyaduna ay qaadato 60%

Xukuumadda Ibrahim Traoré ayaa doonaysa in kor loo qaado dakhliga dawladdu ka hesho macdanta dalkaas lana yareeyo shirkaddaha shisheeye ee sida xisaab la’aanta ah ku guran jirey Khayraadka dalkaas.