Wadooyinka ayaa la xiray, waxaana la adkeeyay ammaanka agagaarka caasimadda Pakistan ee Islamabad ka hor imaatanka la filayo in wafdiga Mareykanka ay gaaraan halkaa kuwaa oo wadahadallo kale la leh Iran.
Si kastaba ha ahaatee, si dhab ah uma cadda, haddi ay jiraan, wadahadalo ka qayb galayso.
Donald Trump ayaa mar sii horreysay warbaahinta Mareykanka u sheegay in madaxweyne ku xigeenka JD Vance uu hadda “hogaaminayo” wafdiga Mareykanka, balse ma jiro war rasmi ah oo arrintan ku saabsan.
Iran sidoo kale wali ma aysan xaqiijin in ay ka qeyb galayso wadahadalada, iyadoo mas’uuliyiintu ay ka aamusan yihiin mowduuca.
Mareykanka oo martigelinaya wareegii labaad ee wadahadalka Israel iyo Lubnaan
Wareegii labaad ee wada-hadallada heerka safiirnimo ee u dhexeeya Israa’iil iyo Lubnaan ayaa dhici doona Khamiista, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka.
“Maraykanku waxa uu soo dhawaynayaa ka-qaybgalka wax-soo-saarka leh” oo bilaabmay 14-kii Abriil, ayuu yidhi sarkaalku.
“Waxaan sii wadi doonnaa inaan fududeyno wadahadal toos ah oo daacad ah oo dhexmara labada dowladood.”
Israa’iil ayaa dagaal kula jirta kooxda Xisbullah ee ay Iran taageerto ee koonfurta Lubnaan. Waxaa hadda jirta xabbad joojin 10 maalmood ah ka dib lix toddobaad oo colaad ah.
Toddobaadkii hore, Israa’iil iyo Lubnaan waxay yeesheen wadahadalkoodii ugu horreeyay ee diblomaasiyadeed tan iyo 1993. Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka, Marco Rubio, oo dhexdhexaadinayey, ayaa sheegay inay “fursad taariikhi ah” u tahay soo afjaridda saamaynta Hezbollah.
Kahor wadahadalladaas ugu horreeya, Israa’iil waxay sheegtay inay doonayso inay hubka ka dhigto dhammaan kooxaha argagixisada ah ee aan dawliga ahayn – iyadoo tixraacaysa Hezbollah.
Lubnaan waxay ku baaqday xabbad-joojin iyo tallaabooyin wax looga qabanayo dhibaatooyinka bini’aadantinimo.
Labada dal ma laha xiriir diblomaasiyadeed.
