“Qorshe kasta oo Maraakiib Looga Gudbinayo Hormuz waxa la Socda khatar weyn.”Taliye Hore Oo Ciidanka Bada Maraykanka ka Tirsanaa

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Qorshe kasta oo maraakiib lagu galbinayo marin biyoodka Hormuz waxa la socda “khatar weyn”, ayuu yiri kabtan hore uga tirsanaa ciidamada badda Maraykanka oo hadda shaqada ka fariistay.

Kevin Eyer, oo hore ugu ahaa taliyey saddex markab oo dagaal, ayaa u sheegay BBC-da in aanay caddayn in Maraykanku uu doonayo in uu “haga oo isku dubbarido, ama in uu raaco oo uu sameeyo xaalad kolonyo ah oo caadi ah”.

“Farqiga u dhexeeya labadan waa faraqa u dhexeeya habeenka iyo maalinta. Kaxaynta firfircooni waa xalka ugu khatarsan uguna qallafsan,” ayuu yidhi.

Eyer waxa uu sheegay in Iran ay weli haysato tiro gantaallada meelaha fog gaara, daroonada lagula dagaalo maraakiiba, iyo “boqolaal doonyo oo roondo oo ku hubysan ganaallo “.

Mareykanka ayaa sheegay in maraakiibta dagaalka iyo kuwa ganacsiga oo sita calanka Mareykanka ay ka shiraacdeen marin biyoodka Hormuz. Ciidamada Iran ayaa horay u sheegay in ay weerari doonaan ciidamada Mareykanka hadii ay galaan marinka badda.