Milatariga Mareykanka ayaa beeniyay sheegashooyinka ay warbaahinta Iiraan faafisay ee ah in markab dagaal oo Mareykan ah lagu weeraray meel u dhow marin-biyoodka Hormuz.
War qoraal ah oo ay soo saareen, saraakiisha Mareykanka waxay sheegeen in aysan jirin wax weerar ah oo lagu qaaday markabkooda, iyagoo ku tilmaamay wararkaasi kuwo aan sal lahayn.
Ila iyo hada ma jiro wax cadeen oo muujinaya dhacdadan oo ay soo saareen oo arinkaan la xariira.
Ciidamada badda ee Kacaanka Islaamiga (IRGC) ayaa shaaciyay qariidad muujinaysa goob cusub oo ka tirsan Hormuz taas oo ay ku sheegeen in ciidamada Iran “ay gacanta ku hayaan”.
