Imaaraadka Carabta Oo Dalkiisa ka Eryay in ka Badan 15 kun Oo Pakistani ah

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Wararka laga helayo ilo warbaahineed oo caalami ah ayaa sheegaya in Dawladda Imaaraadka Carabta ay qaaday tallaabooyin ballaaran oo ay ku masaafurinayso kumannaan muwaadiniin Pakistani ah oo la sheegay inay ka tirsan yihiin madhabta Shiicada, iyadoo tirada dadka la musaafuriyay lagu qiyaasay in ka badan 15,000 kun oo qof.

Warbixinta ayaa tilmaamaysa in dadkaasi si degdeg ah looga saaray gudaha dalka, iyada oo la sheegay in qaar badan oo ka mid ah aan la siin waqti ay ku diyaarsadaan safarkooda ama ay ku qaataan hantidooda. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in hantida qaar ka mid ah dadkaasi lala wareegay, taasoo keentay in ay faro maran dib ugu laabtaan Pakistan, arrintaas oo dhalisay walaac ballaaran oo ku saabsan xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah.

Barnaamij laga sii daayay telefishinka Faransiiska ee France 24 ayaa arrintan ku tilmaamay mid la xiriirta xiisadaha siyaasadeed ee ka dhex jira gobolka, gaar ahaan saameynta ay Pakistan ka wajahday xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan. Waxaa la rumeysan yahay in cadaadisyo siyaasadeed iyo isbahaysiyo cusub ay door ku leeyihiin go’aannada noocan ah.

Dhinaca kale, warbixintu waxay xustay in Imaaraadka Carabta uu cadaadis dhaqaale saarayo Pakistan, isagoo ka dalbaday inay dib u soo celiso lacag deyn ah oo dhan ku dhawaad 2 bilyan oo doolar oo hore loogu shubay Bangiga Dhexe ee Pakistan si loo xasiliyo kaydka lacagaha qalaad. Arrintan ayaa la sheegay inay culays dhaqaale saartay Pakistan, taasoo keentay in dalalka Sacuudiga iyo Qatar ay faragelin sameeyaan si ay u taageeraan Islamabad.

Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa qaba in tallaabooyinka Imaaraadka ay ka tarjumayaan isbeddel ku yimid siyaasadda gobolka, halkaas oo arrimaha diinta, dhaqaalaha, iyo siyaasadda caalamiga ah ay si isku dhafan u saameynayaan xiriirka dalalka Muslimka ah.

Ilaa iyo hadda, ma jirto war rasmi ah oo faahfaahsan oo ka soo baxay dowladda Imaaraadka Carabta oo si cad u xaqiijinaya ama u beeninaya eedeymahan, balse dhacdadan ayaa si weyn uga dhex dhalisay dood iyo falcelin bulshada caalamka, gaar ahaan gudaha Pakistan.