Danjiraha Somaliland u Fadhiya Israel Oo Giriiga ka Qayb-galaya Shirka Caalamiga ah Ee Difaaca.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Danjiraha Somaliland u fadhiya dalka Israel, Dr. Maxamed Xaaji, ayaa kaga qayb galaya Magaalada Athens ee dalka Giriiga shirweynaha caalamiga ah ee Difaaca.

Shirweynahan waxa ka qayb-galaya madax sare oo dawladeed, wasiirro difaac iyo arrimo dibaddeed, diblomaasiyiin, iyo saraakiil amni oo ka kala socda dalal badan oo caalamka ah.

Danjire Maxamed Xaaji Cumar ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa Facebook, oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland (SOLNA), waxa uu ku sheegay in uu gaadhay magaalada Athens si uu uga qayb galo shirkaas muhiimka ah, kaas oo diiradda lagu saarayo arrimaha amniga, iskaashiga difaaca, iyo xaaladaha istiraatiijiga ah ee dunida.

Waxa kaloo uu xusay in shirweynahani kulmin doono madax iyo masuuliyiin heer sare ah oo saamayn ku leh siyaasadaha amniga iyo xidhiidhada caalamiga ah.

Sidoo kale, Danjiruhu waxa uu tilmaamay in joogitaanka Somaliland ee shirkaasi uu muujinayo korodhka doorka ay Somaliland ku yeelanayso doodaha caalamiga ah iyo fagaarayaasha diblomaasiyaddeed ee heerka sare ah.

Ugu dambayn, Danjiraha Somaliland u fadhiya Israel wuxuu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay maanta si mugle uga dhex muuqanayso bulshada caalamka, isla markaana ay qeyb ka noqonayso miisaska laga go’aamiyo arrimaha istiraatiijiga ah ee dunida.

Ka qaybgalka Jamhuuriyadda Somaliland ee madashan ayaa loo arkaa tallaabo diblomaasiyaddeed oo muhiim ah dhisida xidhiidho caalami ah oo wax tar u leh qaranka.