5
Shiinaha ayaa sheegay inuu markasta garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya, xilli maanta Safiirka dalkaasi, Wang Yu uu Villa Somalia ula kulmay Madaxweyne Xasan Shiikh.
Dhankiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya ayaa sheegay in ay Soomaaliya aqoonsantahay kaliya hal Shiine, isla markaasna aysan aqoonsaneyn Taiwan.
Saacadihii la soo dhaafay Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa kulamo gaar gaar ah Madaxtooyadda dalka kula yeelanayay qaar kamid Diblumaasiyiinta ku sugan dalka.
