Maamulka Woqooyi-bari ayaa laga reebay dawlad-gobolleedyada dalka ee deegaanadooda laga fulinayo Mashruuca Bulsho ee loogu talagalay in lagu horumariyo maamul-daadejinta, kaabayaasha bulshada, iyo xasilinta deegaannada, kaas oo Bangiga Adduunku maalgelinayo kuna kacaya 35 milyan oo dollar.
Bankiga Aduunka oo Mashruucan ku maal-galinaya 35 Milyan doolar ayaa waxa 30 Milyan oo kamid ah lacagtaas waxa leh maamulada Koonfurgalbeed, Jubaland, Galmudug, Hirshabeele & Puntland, halka 5 milyanna si gaar ah loogu qoondeeyay Somaliland.
Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa mashruucan Bulsho oo lagu horumarinayo Dowladaha-hoose maanta Muqdisho ku daahfurtay, waxaana loo qaabeeyay hanaankii uu dalka uga hawlgeli lahaa hindisaha barnaamijkan oo laga fulinayo dawlad-gobolleedyada dalka marka laga reebo Woqooyi-bari.

