Madaxweynaha Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa maanta Villa Somalia ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray taageerada Midowga Yurub ee geeddi-socodka dowlad dhiska iyo horumarinta dalka, iyadoo labada dhinac ay adkeeyeen muhiimadda iskaashi joogto ah iyo wada shaqeyn wax ku ool ah.
Sidoo kale, beesha caalamka ayaa sii xoojineysa dadaallada lagu suurta gelinayo dib u bilaabista wada hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo mucaaradka, si xal wadajir ah loogu helo xaaladda siyaasadeed ee taagan.
