Thursday, April 30, 2026

Maareeyaha Guud ee TÜRKSAT Oo Sheegay Inuu Gabo-gabo Gaaray Mashruuca Dayax-gacmeedka Somaliya.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Maareeyaha Guud ee TÜRKSAT, Ahmet Hamdi Atalay, ayaa sheegay in mashruuca dayax-gacmeedka TÜRKSAT 7A uu ku dhow yahay marxaladda wax-soo-saarka, isla markaana inta badan la dhammeystiray dejinta astaamihiisa farsamo.

Atalay wuxuu xusay in TÜRKSAT uu ka mid yahay dhinacyada ka qeyb qaadanaya mashruuca Spaceport-ka Türkiye ay ka dhisayso Soomaaliya, isagoo sheegay in marka la helo nidaamkooda qaran ee hawada sare lagu gano, ay awoodi doonaan inay si madax-bannaan u diraan dayax-gacmeedyadooda, isla markaana qayb ka noqdaan suuqa caalamiga ah ee hawada sare.

“Waxaan rajeynaynaa inaan noqono shirkaddii ugu horreysay ee adeegsata nidaamka gantaallada qaran. Himiladeennu waa in dayax-gacmeedka TÜRKSAT 7A, oo hadda ku jira diyaarinta, hawada sare looga diro Soomaaliya iyadoo la adeegsanayo nidaamkeenna qaran,” ayuu yiri.

Dayax-gacmeedkan ayaa la qorsheynayaa inuu si rasmi ah u shaqo bilaabo sanadka 2029.