Saturday, April 18, 2026

Iran Oo Go’aansaday inay Maamusho Marinka Hormus ilaa Dhamaadka Dagaalka Iyo Trump Oo Jawaab

by Heemaaln
1 minutes read

Golaha Sare ee Amniga Qaranka ee Iran, oo ah hay’adda ugu sarreysa amniga dalka, ayaa sheegay telefishinka dowladda in Tehran ay “go’aansatay inay hirgeliso kormeer iyo xakameyn ku saabsan marista maraakiibta ee marinka Hormuz ilaa dhammaadka kama dambaysta ah ee dagaalka iyo hirgelinta nabad waarta oo gobolka ah.”

Bayaan-ka ayaa lagu sheegay in tallaabadan lagu fulin doono iyadoo la ururinayo xog dhammaystiran oo ku saabsan maraakiibta maraya, la siinayo shahaadooyin oggolaansho safar , iyo in laga qaado lacagaha adeegyada la xiriira marista.

Tani waxay muujinaysaa in Iran ay dooneyso inay si rasmi ah u nidaamiso oo u maamusho socodka maraakiibta maraya marinka Hormuz, oo ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee ganacsiga tamarta caalamiga ah.

Dhinaca kale Donald Trump ayaa ka hadlay xaaladda Iran isagoo ku sugan Xafiiska Oval ayaa sheegay in ay jiraan “wada-hadallo aad u wanaagsan oo socda” oo la xiriira Iran, balse wuxuu ku tilmaamay in Iran ay u dhaqmayso “si yar oo kaftan ama xeelad ah sida ay samaynayeen 47 sano ee la soo dhaafay.”

Trump wuxuu sidoo kale sheegay in hoggaamiyeyaasha Iran ay doonayaan inay xiraan Hormuz, balse Mareykanku uusan oggolaan doonin in la “rakaato iyo caga-jugleyn” lagu sameeyo.

Wuxuu intaas ku daray in Mareykanku uu qaadanayo mowqif adag oo ku saabsan arrintan.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.