Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aaden ayaa saaka qaabilay Wafdi ka Socday Israel Iyo Maraykanka, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Michael Freund—oo ah aasaasaha iyo hoggaamiyaha ururka ‘ Shavie israel, sidoo kalena soo noqday Ku-xigeenka xidhiidhka dadweynahay ee xafiiska Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Joel Martin Rubin oo ah madaxweynaha ‘
Washington Strategy Group ‘ sidoo kalena soo noqday Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibedda ee golaha senatka dalka Maraykanka xilligii xukuumaddii Obama.
Kulanka waxa lagu falanqeeyey sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka Maraykanka Iyo Jamhuuriyadda Somaliland iyo xidhiidhka dawladda Israa’iil, yadoo siyaasiyiintan iyo ururaday hoggaamiyaanna ay qaybtooda ka qaadanayaan si xidhiidhkaasi u noqdo mid midha dhala oo iskaashi qoto-dheer ku dhisan.

