Waaxda dagaalka Mareykanka ee Pentagon ayaa si aamusnaan ah u dardargelinaysa diyaar garowga suurtagalnimada howlgal militari oo Mareykanka uu ka fuliyo Cuba,kaasoo la mid noqon kara howlgalkii Mareykanka ka fuliyay Venezuela.
Maxay Cuba muhiim ugu tahay Mareykanka?
Cuba, waa dalka ku dhow Mareykanka ee xiriirka la leh dalalka bariga , oo keliya 150 u jirta dhulka Mareykanka, waxaa kaloo Cuba muhiim ka dhigaya inay ku taallo marin muhiim ah oo maraakiibta iyo ganacsiga u dhexeeya Atlantic iyo Gacanka Mexico.
Dhinaca kale Wargeyska Mareykanka ka soo baxa ee Wall Street Journal ayaa warbixin uu maanta baahiyay waxaa lagu sheegay duullaanka Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan inuu dhaliyay khatar ka sarreysa middii hore, iyadoo warbixintan ay sheegtay in nidaamka cusub ee hadda xukunka qabtay uu ka adagyahay midkii hore, ka arxan darranyahay, kana xagjirsanyahay, halka hoggaamiyaha uu yahay mid da’yar ah oo awood badan siinaya ciidanka ilaalada kacaanka, taa oo xukunka gacanta u galinaysa milatariga.

Screenshot

Screenshot

