Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa beeniyay warar sheegaya in uu codsaday xabbad joojin dheeraad ah oo la xiriirta dagaalka Iran sida ay weriyeyaasha u sheegtay afhayeenadda saxaafadda Karoline Leavitt.
Waxay intaas ku dartay in wada hadallada u dhexeeya Mareykanka iyo Iran ay socdaan si wanaagsan oo loo tilmaamay inay yihiin mid wax ku ool ah isla markaana la filayo in wareeg labaad oo wadahadal ah uu ka dhaco dalka Pakistan.
Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in xiriirka diblomaasiyadeed uu sii socdo iyadoo dhexdhexaadin caalami ah lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda gobolka.
Leavitt ayaa sidoo kale sheegtay in Pakistan ay door muhiim ah ka ciyaartay geeddi socodka diblomaasiyadeed iyadoo ku tilmaantay dhexdhexaadiye aad u wanaagsan oo kaliya ee hadda ka shaqeynaya wadahadalladan isla markaana ay uga mahadcelisay dadaalka ay ku bixinayaan dhameystirka heshiiska.

