Wednesday, September 30, 2026

Dawladda Sucuudiga Oo Diiday in Fadhiisato Diyaarad Millatariga Israa’iil

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dawladda Sucuudiga, ayaa diiday in hawada dalkeeda soo gasho, isla markaana ay madaar ku yaala Sucuudiga soo fadhiisato diyaarad kuwa millatariga Israa’iil oo doonaysay inay qaado muwaadiniin reer Israa’iil ah oo la socday diyaarad maanta xaalad amni la kulantay oo si degdeg ah u fadhiisatay Sucuudiga.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, Israa’iil ayaa Sucuudiga ka codsatay in la ogolaado in diyaarad millatari soo qaado ilaa 100 qof oo reer Israa’iil ah oo la socday diyaaradda Fly Dubai xaaladdu ku timid, balse dalabkaasi waxa diiday Sucuudiga.

Tallaabadan Sucuudigu qaaday waxay sababtay in shirkadda Fly Dubai ayaa diyaar kale u dirto si ay u soo qaado rakaabka la socday diyaaradooda la fadhiisiiyey Sucuudiga, taasi oo markii dambe dadka rakaabka u qaaday dhinaca Israa’iil.

Netanyahu ayaa waxyar ka hor sheegay inay Israa’iil wajihi karto khataro kale , ka dib dhacdadii diyaaradda Flydubai oo duuliye uu iskudayay inuu maanta burburiyo xilli ay ku sii jeeday Telaabiib.