Wednesday, November 18, 2026

Booliska Koonfur Afrika Oo Xiray laba Haween ah Oo Kufsadey Nin 32 jir ah.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Booliska Koonfur Afrika (SAPS) ee degmada Tembisa ayaa xiray laba haween ah oo 26 jirro ah, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay kufsadeen nin 32 jir ah kaddib markii ay ku kulmeen baar ku yaalla xaafadda Winnie Mandela, una kaxeeyeen qol ay deggenaayeen.

Ninka ayaa ka baxsaday qolka isagoo furay albaabka, kaddibna kaalmo ka helay milkiilaha guriga si uu booliska ugu dacweeyo haweenkaas oo maxkamadda Tembisa la horgeeyay bishii May 2026.

Booliska ayaa dhacdadan kaddib ugu baaqay ragga la kulma tacaddiyada galmada in aysan la gaban oo ay soo sheegaan si cadaaladda loo horgeeyo dadka dhibka u geysta.

Xigasho: Booliska Koonfur Afrika – SAPS, Briefly News & The Gazelle News