1
Hakan Fidan, Wasiirka Arrimaha Dibada ee Turkiga ayaa ku eedeeyay ISRL iney diidan tahay in la caawiyo shacabka Qasa ee guri la’aanta ah ee u dhimanaya qabowga daran ee dhacaya.
Hakan Fidan ayaa yidhi. “Waxaan gacanta ku haynaa kumanaan kontineer oo la isticmaalay xilligii dhulgariirka, Madaxweynaheenu wuxuu amar ku bixiyay in kontineeradaa loo diro Qasa, shaqo badan oo arinta la xidhiidha ayaa la qabtey laakin ISRL way diiday in kontineerada la geeyo Qasa iyadoo sabab uga dhigeysa iney ka sameysan yihiin bir.”
