Madaxweynaha FIFA Giani Infantino Oo Muqdisho kusoo Wajahan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka Giani Infantino ayaa ku soo wajahan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho sida ay sheegeen xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.

Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cali shiine oo ku sugan Mareykanka kana qeybgalay gabagabada Koobka Adduunka ayaa xaqiijiyay in Infantino uu aqbalay casuumaad ay u fideeyeen islamarkaana oo imanayo Muqdisho.

Booqashada ayaa loo arkaa sare u qaadidda iyo dib u soo celinta Kubadda Cagta Soomaaliya oo uu saameeyay dagaalka sokeeye.

Soomaaliya ayaa sanadkii hore dalkeentay saddex ka mid ah ciyaatooyda ugu saameynta badnaa Afrika,iyada oo farriin wanaagsan ay ka gudbiyeen Soomaaliya.

Markii ugu horreysay sanadkan ayey Soomaaliya taariikheeda kubadda Cagta ku dartay ciyaaraha Haweenka.

Xulka Qaranka kubadda Cagta Haweenka ee 17 jirrada ayaa ka qeybgalay ciyaarihii CECAFA ee lagu qabtay Tanzania.