“Iiraan ma Aqbali doonto Xabbad-joojin ilaa laga Oggolaado Dalabaadkeeda Hormuz.”

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Cabbaas Araghchi ayaa hadal uu caawa soo saaray oo laga sii daayay telefishinka dawladda Iiraan wuxuu yiri;

“Iiraan ma aqbali doonto xabbad-joojin ilaa laga oggolaado dalabaadkeeda ku saabsan marin-biyoodka Hormuz.”

Muxuu yahay dalabaadka ay Iiraan ku xirtay xabbad-joojin?

Iiraan ayaa horey u sheegtay, inaysan qaadan doonin wax heshiis ah ilaa la fuliyo shuruudahan;

In maraakiibta isticmaasha marinka ay maraan iyadoo lala shaqeynayo ciidamada badda ee Iiraan.

In Iiraan ay door ku yeelato maamulka amniga marinka.

In la qaado xayiraadaha dhaqaale ee saaran Iiraan iyo in la sii daayo hantideeda la xayiray.

In la helo dammaanad ah inaan mar kale weerar lagu qaadi doonin Iiraan.

In heshiiska lagu saleeyo joojinta dagaalka iyo ilaalinta danaha amniga iyo dhaqaalaha ee Iiraan.

Dhinaca kale Iiraan ayaa caawa hal mar wada weerartay Baxrayn, Kuwait , magaalada Erbil ee dalka Ciraaq iyo saldhigga istaraatijiga ah ee ciidanka Mareykanka ay ku leeyihiin dalka Jordan ee Al-Azraq, iyadoo weerarrada ay Iiraan ku sheegtay in looga jawaabayo duqeymaha Mareykanka uu ka gaystay gudaha Iiraan, sida ay baahisay Al Jazeera.