Komishineerka guud ee Komishinka Booliska Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ku jiraan heegan buuxa isla markaana ay diyaar u yihiin iney ka hor tagaan wax kasta oo carqalad ku noqon kara habsami u socodka doorashada.
Komishineerka komishanka Booliska Deegaanka ayaa yidhi “Waxaan si buuxda ugu diyaar garownay sugida ammniga sidii doorashada todobaad ay ugu dhici lahayd si nabadgeliyo iyo xasilooni ah.”
Diyaaradaha Ciidamada Itoobiya ayaa sanaaduuqda codbixinta gaarsiinaya deegaannada fogfog, markii ay amreen Guddiga Doorashooyinka Itoobiya in sanduuqyada codbixinta la gaadhsiiyo goobaha codbixinta ee gobollada kala duwan ee dalka.
Doorashada guud ee Ethiopia aya dhacaysa 1-da June.

