Baxrayn Oo Dhalashada kala Noqotay Dad Badan Oo Taageero u Muujiyeen Iran.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Baxrayn ayaa ku dhawaaqday inay dhalashada kala laabatay 69 qof, oo dhammaantood asal ahaan aan u dhalan Baxrayn, sababo la xiriira inay taageero lu muujiyeen falalka gardarrada ah ee Iiraan, ama inay u basaasayeen hay’ado shisheeye, kuwaas falalkaas ku kacay iyo qoysaskooda.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sharraxay in tallaabadani ay qayb ka tahay hirgelinta wax ay ugu yeertay awaamiir ka timid Boqor Hamad bin Isa Al Khalifa, oo ah “in la qaado tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee ka dhanka ah kuwa ku dhiirraday inay khiyaanaan dalka, ama wax u dhima ka bixitaanka ammaankiisa iyo xasiloonidiisa, iyo in dib u eegis lagu sameeyo cidda u qalanta dhalashada Baxrayn iyo cidda aan u qalmin,” sida qoraalka lagu sheegay.

Bayaanka ayaa sidoo kale tilmaamay in tallaabadan ay saldhig u tahay qoraalka Qodobka 10/3 ee Sharciga Dhalashada Baxrayn, kaas oo dhigaya in dhalashada lagala laaban karo qofka, “haddii ay dhacdo in waxyeello loo geysto danaha Boqortooyada ama haddii loo dhaqmo si ka horimanaysa waajibka daacadnimada ee dalka lagu leeyahay.”