Koox Islaamiyiin ah oo aan wax badan laga aqoon ayaa sheegatay masuuliyada weerar lagu qaaday bulshada Yahuuda ee magaalada Landon gaar ahaan Golders Green.
Kooxdaas oo la magacbaxday Harakat Ashab al-Yamin al-Islamiya (Hayi), oo micnaheedu yahay “Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Dadka Gacanta Midig, ayaa sheegatay inay ka dambeysay lix weerar oo kale oo lala beegsaday dhismayaal ama danaha bulshada Yuhuudda ah ee UK.
Dawlada UK ayaa sheegtay inay kooxdan xiriir la leedahay dowladda Iiraan inkastoo aysan soo bandhigin wax caddeyn ah.
Si kastaba ha ahaatee, wax badan lagama yaqaan kooxdaas. Waxaa la rumeysan yahay inay noqon karto koox wakiil u ah Iiraan, maadaama sheegashadooda lagu faafiyo kanaallo Telegram ah oo taageera Shiicada.
Sheegashadan lagu faafiyay baraha bulshada oo ay arkeen khubarada Monitoring ee la socda xagjirnimada Islaamiga ah, waxay weerarka ku tilmaameen mid uu fuliyay “qof kaliya ,” waxayna sidoo kale arkeen muuqaal laga duubay goobta.
Sidoo kale baarayaasha la dagaallanka argagixisada ayaa ka warqaba sheegashadan, balse waxaa jira digniin ah in aan si degdeg ah loo rumaysan.
Waxaa suuragal ah in sheegashadu tahay mid fursad looga faa’iideysanayo. Waayihii hore, kooxaha sida Daacish ayaa marar badan sheegan jiray weerarro ka dhacay Yurub, xitaa marka aysan si toos ah uga dambeyn ama ugu lug laheyn.
Ra’iisul Wasaaraha Uk oo ku dhawaaqay tallaabooyin ammaan oo degdeg ah
Ra’iisul wasaare Keir Starmer ayaa sheegay in loo baahan yahay maalgelin dheeraad ah si loo xaqiijiyo amniga bulshada Yuhuudda.
Hadalkan ayuu jeediyay kadib kulan degdeg ah oo lagu falanqeeyay jawaabta dowladda ee weerarka, iyadoo la filayo inuu la kulmo hay’adaha cadaaladda.
Wuxuu sheegay inuu la hadlay Community Security Trust, isagoo xusay in horey loo kordhiyay amniga, balse loo baahan yahay in la sii la xoojiyo si loo gaaro heerka ilaalinta loo baahan yahay.
Starmer ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu ay qaadi doonto tallaabooyin ka dhan ah khataraha dibadda, isla markaana ay muhiim tahay in la wajaho asalka xagjirnimada iyo dadka muujinayao naceybka bulshada Yuhuudda ah.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dowladda ay waajib ku tahay in bulshada Yuhuudda ay dareento ammaan iyo kalsooni, isla markaana si dhab ah loo xalliyo sababaha keena naceybka iyo xagjirnimada.
