Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Abbas Araghchi ayaa inta uu socday kulankii uu maanta la qaatay Madaxwaynaha Ruushka Putin, ayaa wuxuu yiri;
“Waxay hadda caddaatay in Iiraan leedahay saaxiibo iyo xulafo sida Ruushka.Kuwaas waa kuwa na garab istaagay xilligii adkaa, annaguna waan uga mahadcelineynaa taageeradooda.”
Kulanka Putin iyo Araghchi , waxaa jiray waxyaabo xiiso leh oo ka muuqanayay, xilli kulanka lagu sheegay mid diblomaasiyadeed, waxaa fadhiyay madaxa sirdoonka milatariga dibadda ee Ruushka (GRU), Igor Kostyukov,balse arrinta ugu xiisaha badan waa in kulanka ka hor Golaha Ammaanka Ruushka oo Putin uu guddoomiyo inay uga digeen Iiraan, suragalnimada uu Mareykanka ka faa’iideysan karo xabbad-joojinta , dibna ugu soo laaban karo dagaalka.
Arrintan waxay yeelan karta macno kale oo ka dhalanaya in kulan noocan ah uu joogo madaxa sirdoonka milatariga dibadda ee Ruushka (GRU) , in lagu soo bandhigayo Ruushka macluumaad sirdoon inuu la wadaagay Iiraan ,gaar ahaan dhaqdhaqaaqa ciidamada Mareykanka, qorshahooda iyo qiimeyn ku saabsan in Mareykanku u socdo dagaal cusub ama wada-hadallo dhab ah.
