Hogaamiyaha Jarmalka Oo Sheegay in Dawlada Iran ay si Buuxda u Bahdileen Maraykanka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Hoggaamiyaha Jarmalka Friedrick Merz, ayaa sheegay in hoggaanka dalka Iran ay si buuxda u bahdileen dawladda Maraykanka, isagoo xusay in aanay u muuqan xeelad iyo istaraatiijiyad uu Maraykanku kaga bixi karo dagaalka Iran ee uu ku bahdilmay.

Ra’iisal-wasaaraha Jarmalka oo hadalkan ka ka sheegay khudbad uu arday kala duwan u jeediyey, isla markaana ay soo xigatay Wakaaladda wararka ee Reuters, waxa kaloo uu ku sheegay in hoggaanka Iran ay Maraykanka kaga wanaagsan yihiin, kagana horeeyaan xirfadaha wada-xaajoodyada iyo kartida aqoonaysan ee ay u leeyihiin wadahadalada marka loo eego kuwa Maraykanka.

Hadalkan Ra’iisal-wasaaraha Jarmalka ayaa lagu tilmaamay inuu muujinayo in Maraykanku aanu wada-xaajood iyo dagaal millatari midna xiligan kaga adkaan karin dalka Iran.

Dhinaca kale Laba xildhibaan oo ka tirsan xishiga Jamhuuriga, Guy Reschenthaler iyo Max Miller, ayaa soo jeediyay in muwaadiniinta Mareykanka ee ka tirsan ciidanka israa’iil la siiyo qaar ka mid ah faa’iidooyinka ay helaan askarta Mareykanka, sida ilaalinta shaqada iyo taageero dhaqaale.

Waxaa la sheegay in in ka badan 12,000 oo Mareykan ah ay hadda ka tirsan yihiin ciidanka Israa’iil, taasoo dhalisay dood siyaasadeed oo xooggan gudaha Mareykanka.