Warsaxaafadeed ka soo baxay ciidanka badda Iiraan oo ay baahiyeen Al Jazeera iyo CNN ayaa lagu sheegay inay maanta gacanta ku dhigeen ciidanku labo markab oo ganacsi, oo ay sheegeen inay isku dayeen jebinta xannibaada saaran marin-biyoodka Hormuz.
Ciidamada ayaa sheegay in labada markab loo ka xeeyay dhinaca xeebaha Iiraan, halka markab kale oo ku socday Hormuz ay beegsadeen ciidanka Iiraan, kaasoo la sheegay inuu la dhaqaaqi la’yahay khasaaraha ka soo gaaray weerarkaa.
Lama soo bandhigin faahfaahinta dalalka laga leeyahay maraakiibta, balse Iiraan waxay uga digtay maraakiibta inaysan isku dayin iyagoo aan soo ogeysiin ciidankankeeda badda inay ka gudbaan Hormuz.
