Dawladda Qatar ayaa si toos ah u diiday in Maraykanku isticmaalo hawadeeda, si uu weerarro uga fuliyo gudaha iiraan.
Dowladda Qatar waxay si rasmi ah ugu sheegtay Maraykanka inaysan mar dambe oggolaan doonin, in hawadeeda loo adeegsado hawlgallo militari oo lagu beegsanayo Iiraan.
Go’aankan ayaa yimid kadib weerarro aargoosi ah oo ay dhowaan Iiraan ka fulisay gobolka, sidoo kalena iiraan ay ku baaqday haddii mar dambe Laga soo weerraro dalalka Khaliijka ay beegsan doonto goobo muhiim ah.
Go’aankan ayaana muujinaya dadaal balaadhan oo ay waddamada Khaliijku ku doonayaan inay ku joojiyaan sii huridda iyo ka qeyb galka colaadda Gobolka.
