Dawlada Ukraine ayaa sheegtay iney diyaar u tahay iney maraakiib dagaal dirto si ay uga qayb noqdaan dib u furida marin biyoodka Hormus.
Kyiv ayaa cadaysay iney hada diyaar u tahay iney dirto afar markab oo nooca miinooyinka saara ah, kuwaasoo hada ku xidhan Ingiriiska, si ay miinooyinka uga saaraan marinka Hormus.
Sidoo kale dawladda Ukraine ayaa qaybo dalkeeda ka mid ah u bixinaysa Donnyland ama Donald Trump Land, si ay ugu raalli geliso madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump kaas oo ay ka doonayaan in uu ka soo afjaro duullaanka uu dalkooda ku hayo waddanka Ruushku. Sida uu sheegay wargeyska The Independent,
Tallaabadan ayaa loo arkaa in ay tahay guul wadayn Kyiv ku doonayso in ay ku soo jiidato Trump oo muddooyinkan ka mashquulsanaa Ukraine isaga oo xoogga saaray dhinaca bariga dhexe.
Madaxweyne Zelensky ayaa beddelay siyaasaddiisi ku wajanayd Maraykanka tan iyo markii sannadkii hore lagu bah dilay aqalka cad ee looga arrimiyo Maraykanka.

