Wednesday, April 22, 2026

Trump oo Digniintii Ugu Dambeysay u Direy Iiraan Iyo Warar kale Oo Dhinaca Iran ah

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Trump wuxuu sheegay inuu Iiraan siiyay dhowr maalmood oo kaliya si ay u keenaan qorshe nabadeed, hadii kale uu kordhin doono cadaadiska, wuxuuna uga digay in xabad joojintu aysan sii socon doonin, isla markaana uu dulqaadku ka dhammaan karo.

Dhinaca kale dawlada Iran ayaa sheegtay in ay heshay codsi ka yimid Islamabad oo ku saabsan in la kordhiyo xabbad-joojinta, waxayna sidoo kale muujisay inay qadarinayso dadaallada Pakistan.

Tehran ayaa intaasi ku dartay in ay uga mahadcelinayso Pakistan dadaalka ay ku bixisay dhexdhexaadinta iyo ka shaqaynta xabbad-joojinta.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un ayaa maanta ergaygiisa gaarka ah , Choe Chang u diray magaalada Tehran ee caasimadda Iiraan, halkaa waxaa ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Abbas Araghchi oo ay yeesheen wadahadallo aan la soo bandhigin faahfaahintooda.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.