Wednesday, April 22, 2026

Shiinaha Oo Boogaadiyay Dalal African ah Oo Hawada u Diiday Madaxwaynaha Taiwan Oo Safar ku Marayay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowlada Shiinaha ayaa boogaadisay sedex dal oo African ah kuwaasoo u diidey dalkooda inay soo dulmarto diyaarad uu la socday madaxwaynaha maamulka Taiwan ee ku dooda inay ka go,een dhulwaynaha shiinaha.

Dalalka Seychelles, Mauritius iyo Madagascar ayaa u diidey hawadooda inay soo dul marto diyaarada Madaxwayne Lai ching kaasoo safar u ahaa dalka yar ee Eswatini oo dariska la ah dalka South Africa.

Madaxwaynaha Taiwan ayaa ugu dambeen ku qasbanaaday in gabi ahaanba uu ka baaqdo safarkan uu kusoo gaari lahaa qaarada Africa.

Yeelkeede Somaliland ayaa warqad aan loo meel dayin oo soo dhawayn ah u dirtay soo madaxwaynaha Taiwan iyadoo kusoo dhawaynaysa qaarada Africa xili uusanba usoo socon dhankooda.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.