Gudiga Dorashada Itoobiya Oo Hakiyay Goob-doorashoyin Galbeedka Siti ah Oo Dabasho Laga Gudbiyay.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Warqad Komishinka Doorashoyinka ka soo baxday ayaa lagu sheegay in la hakiyay goob- doorashoyin galbeedka Siti ah oo maamulka Deeganku uu cabasho ka gudbiyay.

Komishinka ayaa sheegay in xiligii hore Deeganada la faray in ay soo gidbistaan meelo cusub oo goob doorasho looga hirgaliyo, xiligaas Canfartu waxay gudbisteen meelo galbeedka Siti ah. Maamulka Deeganku se goobo cusub ma gudbisan.

Markii goob doorashoyinka la shaaciyay ayuu maamulka Deeganku cabasho u gudbiyay sidda warqadaha lagu xusay. Maamulka Deeganka ayaa sheegay in goobo ka tirsan Gobalka Siti la hoos geeyay Canfarta(Cadaytu, Cundhufo iyo Garbaciise.)

Maamulka Deeganka ayaa wuxuu kaloo xusay in goobahas dad ka barakaceen, oo ay hawshoodu socoto, ilaa xal la hellana aysan macquul ahayn in goob-doorashooyin laga sameeyo.

Komishinka ayaa sheegay in gudiyo Deeganada u kala direen. Waxaa xogtii la soo uruuriyay laga soo horjeediyay Aqalka Federshinka ee dalka. Ugu dembeyn goobo Deeganku Soomalidu ka cabbanayay oo 49 ahaa, waxaa laysla qaatay 13 kamid ah in ay caadi yihiin. Inta soo hadhay oo ah 36 Goobodna in laga noqdo ayaa la ansixiyay. Komishinka ayaa siddoo kale sheegay in la raaci doono doorashadii hore. Meelihii xiligaas la hakiyay in hakad ahaadan, meelihii doorashada Canfarta hoostagayayna sidoodi ahaan. Waxaana xusid mudan in dhammaan doorashoyinkii hore ee Itoobiya marna Galbeedka Siti aan la hoosgeynin Canfarta- Doorashada.

Go’aankan cusub ayaa meesha ka saarraya sheegashadii Canfarta oo doonaysay in ay galbeedka ku darsato taarikhda, dhahdana doorashadii hebla wuxuu hoostagayay Canfarta.