Kooxda Chelsea, ayaa caydhisay tababarihii kooxda oo xili kooban joogay, kadaib markii ay wajahayen guuldaroyin is xig-xiga, iyadoo lix kulan ku fashilantay in ay gool dhaliso Horyaalka.
Bayaan kasoo baxay Chelsea ayaa lagu sheegay in inkastoo go’aanku uusan sahlanayn, haddana waxqabadkii ugu dambeeyay uu hoos uga dhacay himilooyinka kooxda, xilli ay weli fursado badan u taagan yihiin xilli ciyaareedka. Kooxdu waxay si gaar ah ugu mahadcelisay Liam iyo shaqaalihiisii dadaalka iyo xirfadda ay muujiyeen muddadii ay joogeen Stamford Bridge.
Dhanka kale, Calum McFarlane ayaa si ku-meel-gaar ah ula wareegi doona hoggaanka kooxda ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka, isagoo kaashanaya shaqaalaha farsamada ee kooxda. Chelsea ayaa diiradda saareysa inay u dagaallanto ka qeybgalka tartamada Yurub isla markaana ay horumar ka sameyso FA Cup.
Maamulka kooxda ayaa sidoo kale xaqiijiyay inay bilaabi doonaan geeddi-socod dib-u-eegis ah si loo helo macallin joogto ah oo muddo dheer hoggaamiya kooxda.
