Afar Markab Oo Ay Leedahay Iran Oo ka Gudbay Marinka Hormuz.

by Heemaaln
1 minutes read

Markabkii 3aad oo ay leedahay Iran ayaa galay Marinka Hormuz, waxaa uu ku sii jeedaa Dekadda Xamriyah ee dalka isutagga Imaaraadka Carabta.

Xogta raadraaca maraakiibta ayaa muujineysa in afar markab oo lala xiriirinayo Iran ay ka gudbeen marinka Hormuz, inkastoo Laba ka mid ah maraakiibtaas ayaa gaareen dekedo ku yaalla Iran sida ay muujinayso xogta MarineTraffic.

Xogtu waxay tilmaamaysaa in markab xamuul qaada oo lagu magacaabo Christianna uu ka gudbay marinka Isniintii, kadib markii uu ka baxay dekedda Bandar Imam Khomeini.

Tan iyo markii uu TRUMP amray in Marinka Hormuz xiranyahay ma jiro wax caqabad ah oo ay la kulmeen Maraakiibta Iran.

Ruushka iyo Shiinaha ayaa ku hanjabay in haddii Maraakiibtooda shidaalka iyo madeecadaha u kala gooshiya Iran la waxyeelleeyo ay u qaadanayaan weerar ka dhan ah madaxbanaanidooda.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.