Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa soo saartay amar ku meel gaar ah oo lagu joojinayo qorshe kasta oo la xiriira dhismaha ama howlgelinta xarumo loogu talagalay karantiilka, daaweynta ama qaabilaadda dadka qaba cudurka Ebola, iyadoo arrintan ay kusoo beegmeyso xilli Mareykanku uu kordhinayo taageerada uu siiyo Kenya ee la dagaallanka cudurkaasi.
Go’aanka maxkamadda Milimani High Court ayaa yimid kadib codsi ay gudbisay hay’adda Katiba Institute, taas oo sheegtay walaac ku saabsan badqabka shacabka iyo hufnaanta heshiisyo la sheegay inay Kenya la gashay dowlado shisheeye oo ku saabsan arrimaha Ebola.
Amarka maxkamadda ayaa si gaar ah u mamnuucaya in dowladda Kenya ama hay’adaha la shaqeeya ay dalka soo geliyaan, gudbiyaan ama qaabilaan dad qaba ama looga shakisan yahay Ebola inta dacwadda si rasmi ah looga dhageysanayo maxkamadda.
Dhanka kale, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Kenya William Ruto si ay uga wada hadlaan xaaladda cudurka Ebola iyo iskaashiga caafimaad ee labada dal.
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen dadaallada lagu xoojinayo nidaamka caafimaadka Kenya iyo sugidda agabka caafimaad ee muhiimka ah.
Mareykanka ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu bixiyo $13.5 milyan oo loogu talagalay diyaar-garowga Kenya ee Ebola, halka uu horey ugu yaboohay $112 milyan oo taageero laba geesood ah oo loogu talagalay gurmadka gobolka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay inay sii wadaan wada shaqeynta dhow ee ku aaddan ka hortagga faafitaanka cudurka Ebola ee gobolka Bariga Afrika.
