Booliska Ireland Oo Xiray Nin Somali ah oo Lagu Eedeeyay inuu Weerar Gaysan Rabay.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Booliiska Waqooyiga Ireland (PSNI) ayaa sheegay in nin la rumeysan yahay inuu Soomaali yahay loo xiray tuhun la xiriira isku day dil kadib weerar “arxan darro ah” oo mindi loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Belfast.

Ninkan oo da’diisa lagu sheegay 30-meeyo ayaa weli ku jira xabsiga, kadib dhacdada ka dhacday waqooyiga Belfast abbaaro 22:30 habeenimo Isniintii.

Qofka la dhaawacay oo 40-meeyo jir ah ayaa isbitaal loola cararay, waxaana xaaladdiisa lagu tilmaamay mid culus, iyadoo uu soo gaaray dhaawacyo waaweyn oo ka gaaray wejiga, qoorta iyo dhabarka.

Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dad isugu jira kuwo ku hubeysan ul nooca hurling ah oo isku dayaya inay joojiyaan qofka la tuhunsan yahay ilaa booliisku ka yimaadeen goobta.

Ra’iisul Wasaaraha UK, Sir Keir Starmer, ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid “laga argagaxo,” isagoo sheegay in aan loo dulqaadan doonin falalka noocan ah ee rabshadaha wata.

“Waxaan ka horraysiinayaa fikirkeyga qofka dhibbanaha ah, waxaan sidoo kale amaanayaa kuwa gurmadka sameeyay, oo ay ku jiraan dadkii goobta ku sugnaa ee soo farageliyay,” ayuu yiri.

Booliisku waxay sheegeen in xaaladda loo aqoonsaday “dhacdo culus,” isla markaana baaritaan degdeg ah lagu wado si loo ogaado sababta iyo duruufaha ka dambeeyay.

Sarkaal sare oo ka tirsan PSNI, Ryan Henderson, ayaa sheegay in booliisku si degdeg ah uga jawaabeen wicitaanka, isla markaana uu ammaan u jeediyay shacabka geesinimada muujiyay ee isku dayay inay ka hortagaan dhaawac dheeraad ah.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay shacabka inaysan faafin muuqaalada la xiriira weerarka, maadaama ay carqaladeyn karaan baaritaanka socd