Friday, November 27, 2026

Diyaaradaha Dagaalka Ee Mareykanka Oo Lagu Dul Arkay Markab ay Gubtay Iran Oo Marayay Hormuz.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Mareykanka ee nooca AH-64 Apache ee dagaalka, ayaa lagu arkay iyagoo ka hawlgalaya meel u dhow markab gubanaya oo ku sugan Marinka Hormuz, ka dib markii markabkaas ay ku dhaceen madaafiic laga soo riday dhanka Iiraan.

Muuqaallada, oo la sheegay in maanta la duubay, ayaa muujinaya kororka dhaqdhaqaaqyada militari ee ka socda marinkan muhiimka ah ee badda, xilli ciidamada Mareykanku ay ka jawaabayaan weerarro toos ah oo lagu qaaday maraakiibta ganacsiga.