30
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hambalyo u dirtay dowladda Israa’iil munaasabadda Sanad guurada 78- ee ka soo wareegtay maalinta madax-bannaanideeda.
Wasaaraddu waxay sheegtay inay dib u xaqiijinayso sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dhinac.
Fariintan ayaa muujinaysa rabitaanka Somaliland ee ah inay sii ballaadhinayso xidhiidhkeeda diblomaasiyadeed iyo iskaashiga caalamiga ah.

