Sarkaal sare oo horey uga tirsanaa CIA-da Mareykanka , David Rush ayaa FBI-du xirtay , markii gurigiisa laga helay dahab qiimihiisu gaarayo 40 milyan oo dollar, $2 milyan oo lacag caddaan ah iyo 35 saacadood oo nooca Rolex ah. In muddo ah waxaa uu sarkaalkan sheegayay.
Lacagaha iyo dahabka inay ahaayeen kuwa ku soo galay kharashaadka howlgelinta inta uu shaqada ku jiray, wallow baaritaannadu caddeeyeen in sheegashadiisa ay been abuur ahaayeen, taasoo dhalisay inuu yimaado shaki la xiriira xogaha qaar ee gudaha CIA-da inuu dhaqaale ka sameeyay, maaddaama uu gaaray ka qaybgalka kulamada go’aamada.
Laakiin waxa ugu xiisaha badan inta aan ku jiray warbixintan, waa in marka baaris lagu sameeyay sarkaalkan la oggaaday inay been abuur ahaayeen xogta ugu jirtay faylashiisa shaqo oo uu ka been sheegay inuu ahaa duuliye ka tirsan ciidanka badda Mareykanka, isla markaana sidoo kale ay been abuur ahaayeen shahaadooyinkiisa waxbarashada.
Maxay ka dhigantahay 20 sanno inuu ka howlgalayay CIA-da , sarkaal gaaray qolalka go’aamada oo ka been abuurayay xogtiisa?
