Wargeyska Canada ka soo baxa ee La Presse ayaa ku warramay dalalka Yurub oo ay ku jiraan Portugal iyo Spain inay dib uga fikiraan ama joojiyaan iibsiga diyaaradaha F-35 Lightning II ee Mareykanka uu soo saaro, halka Canada ay yareynayso tirada ay horey u dalbatay.
Warbixintan ayaa lagu sheegay inay Canada qaaday tallaabooyinkii u horreeyay ee ay ku joojinayso tiro badan oo diyaaradda F-35 ah oo ay horey uga dalbatay Mareykanka , taa beddelkeedana ay u dhaqaaqday inay iibsato diyaaradaha dagaalka ee Saab JAS 39 Gripen ee Sweden ay soo saarto.
Ra’iisul Wasaaraha Canada, Mark Carney, ayaa la sheegay inuu doonayo in dalkiisu yareeyo ku tiirsanaanta militari ee Mareykanka.
Waxaa sidoo kale la xusay in dalal qaar ay walaac ka qabaan sida ay isu beddeli karto siyaasadda Mareykanka mustaqbalka, iyo suurtagalnimada in Washington ay xaddiddo isticmaalka diyaaradaha, dayactirkooda ama software-kooda.
Sidaas darteed, wargeysku wuxuu tilmaamay doodda ka taagan F-35 ma ahan oo keliya qiimaha ama awoodda diyaaradda, balse waxay sidoo kale la xiriirtaa madax-bannaanida militariga iyo ku tiirsanaanta tiknoolajiyadda Mareykanka, iyadoo qaadacaada reer galbeedka ee wax soosaarka militari ee Mareykanka lagu sheegay dharbaaxadii u horreysay ee ay ku dhufanayaan xulafadiisa ay ku tiirsanaayeen warshadaha militari.
